Dhaawaca Wasiirka Amniga Puntland ayaa maanta oo Sabti ah waxaa loo qaaday dalka Jabuuti, si halkaasi loogu daryeelo dhaawaca Wasiirka.
Magaalada Boosaaso ayaa maanta laga qaaday dhaawaca, iyadoo dalka Jabuuti loo qaaday, waxaana la arkaayay Wasiirka oo garbaha laga haayo oo Diyaarado la saaraayo, kadib muuqaal Suxufiyiinta ay ka soo duubeen.
Cabdi Cali Xersi (Qarjab) oo Khamiistii dhaawac uu soo gaaray, ayaa la sheegayaa dhaawiciisa inuusan aheyn mid culus, balse Wasiirka uu qabo Xanuunka Sonkorta/Macaanka si deg deg ahna la doonaayo in dhaawaca looga daryeelo.


