DHAGEYSO: Gudoomiyaha Hiiraan oo ka hadlay doorashada ka dhaceysa Jowhar

Guudoomiyaha  maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha Dhexe marka lagu soo doorto magalaada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu caleemo saari doono magaalada Baladweyne.

Isagoo sheegay in aysan jirin cid hor istaagi karta dhismaha maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe islamarkana ergadii loogu talo galay  in ay ka qeyb galan shirka  maamulka labada gobol ay ka dageen magaalada Jowhar islamarkana aysan jirin  dad kale oo loo bahan yahay in ay ka qeyb galan shirka jowhar.

Hadalka gudoomiyaha ayaa imaanaya iyadoo wali ay jirto dad diidan ka qayb galka shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.