DHAEYSO: Taliye cusub oo loo magacaabay ciidamada boliiska Kismaayo

Digreeto ka soo baxday xafiiska wasaarada arimaha gudaha iyo amniga maamulka Jubbaland ayaa lagu magacaabay taliyaha ciidamada boliiska magaalada Kismaayo, iyadoo loo magacaabay Korneel Xasan Kheyre Axmed.

Digreeratada ka soo baxday xafiiska wasaarada arimaha gudaha iyo amniga maamulka Jubbaland ayaa lagu cadeeyay in ay muhiim tahay in taliye cusub loo magacaabo magaalada Kismaayo.

Wareegtadan waxaa ku saxiixan wasiirka arimaha gudaha iyo amniga maamnulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish, waxaana sarkaalka loo magacaabay dhanka amniga boliiska magaalada Kismaayo uu yahay sarkaal horey ugu soo shaqeynaayey ciidankii boliiska Soomaaliyeed xilligii dowladdii dhexe.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa inoo xaqiijiyay in sarkaalkan cusub loo magacaabay ciidanka boliiska magaalada Kismaayo.

Waxaana qorshaha uu yahay in amaanka magaalada Kismaayo uu wax weyn iska bedelo.

Maamulka Jubbaland ayaa dib uhabeyn waxa uu ku wadaa saraakiisha ciidanka boliiska iyo kuwa Millitariga si amaanka magaalada ay unoqoto mid la isku haleyn karo.