DHAGEYSO: Go’doon weli ka jira Waajid

Waajid-RisaalaFM- Degmada Waajid ee Gobolka Bakool in ka badan 4 sano waxaa saaran Go’doon, kaas oo ay ku soo rogeen ururka Al-shabaab.

Mudada ay saaran tahay Go’doonka ma gaarin wax gar gaar ah, waxaana ku nool dad isugu jira beeraley iyo xoolo dhaqato.

Degmada Waajid ee Gobolka Bakool shacabkeeda ma heystaan waxbarasho iyo xarumo caafimaad oo ku filan, iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana waxaa saameeyay Abaarta ka jirta Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada ee Gobolka Bakool Cadow C/raxmaan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu ka hadlay nolosha ay ku nool yihiin dadka degan Degmada Waajid.

Sidoo kale Cadow C/raxmaan Gudoomiye ku xigeenka Degmada ee Gobolka Bakool ayaa waxa uu sheegay suuqyada Waajid in ay yihiin kuwo xiran oo dhaq dhaqaaq fiican uusan ka jirin.