Askari si arxan daro ah u dilay Qof shacab ah

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dil uu geystay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda.

Askariga ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo saarnaa Gaariga nuuca Hiluxes ah ayaa waxa uu Rasaas ku furay Nin watay Gaariga nuuca Aaliyoonka ah, kadib markii Askariga uu Ninka dhowr jeer ku amray in uu dib uga dego Gaariga ay wateen.

Gaariga ayaa markii Rasaasta lagu furay waxa uu ka baxay wadada, waxaana uu dhaawac u geystay Labo Qof oo shacab ah.

Ninka la dilay ayaa waxaa qeybta gadaale ee Gaarigiisa saarnaa Labo wiil oo da’dooda ay ka hooseyso 10 sano oo uu dhalay Marxuumka la dilay, sida ay inoo sheegeen Ehelada ninka la dilay.

Ciidamada Ammaanka oo gaabta aan ka fogeyn ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiiglaha, waxaan sidoo kale Ciidanka ay wadeen caruurta uu dhalay Marxuumka la dilay, si waalidoontooda loogu hagaajiyo.