DHAGEYSO: Walaac laga muujiyay xirnaanshaha wadooyinka xilliga Doorashada

Muqdisho-RisaalaFM- Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in dhibaato weyn ay ku qabaan xirnaanshaha wadooyinka xilliga Doorashada.

Waxa ay sheegeen in aysan aadi karin goobaha waxbarashada iyo shaqooyinkooda, maadaama ay xiran yihiin wadooyinka Magaalada Muqdisho xilliga Doorashada.

Sidoo kale shacabka Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen walaac badan in ay ka muujinayaan Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo mid Madaxweynaha, maadaama maalmahaas uusan jirin dhaq dhaqaaq.

Waxa ay sheegeen Alle in ay ka baryayaan in uu siiyo Madaxweyne dalka u keeni kara isbedel, hormar, barwaaqo iyo dib u heshiisiin dhab ah.

11-ka ilaa 12-ka Bishan ayaa lagu wadaa Magaalada Muqdisho in lagu qabto Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo intaasi kadib la guda geli doono Doorashada Madaxweynaha.