Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo warbaahinta la hadlaya ayaa waxa uu sheegay in xilligan wixii ka dambeeya la mamnuucay gawaarida aan taargada ama aqoonsiga lahayn ee lagu dhex isticmaalo magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha gobolka Banadir ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in amaradan uu soo saaray maamulka gobolka in ay yihiin kuwa aan sidan looga hari doonin oo ay socon doonaan dhaqan galkooda.
Amaradan maamulka gobolka Banaadir uu soo saaray ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyay weeraro iyo waliba dilal qorsheysan ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho.
Waxaana weeraradaasinta badan lala beegsanayay dadka xubinta ka ah dowladda Soomaaliya.


