DHAGEYSO: Galmudug”cafis ayaan u fidin doonaa dhalinyarada Al-Shabaab ka soo baxda”

Wasiirka wasaaradda aw-qaafta iyo arrimaha diinta maamulka Galmudug Sheekh Mursal C/raxmaan oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab ugu baaqay iney isaga soo baxaan oo ay ku soo biiraan dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay cafis u fidinayaan dhalinyarda ka tirsan Al-shabaab hadii ay ka soo laabtaan fikirka qaldan ee Al-shabaab islamarkaana Galmudug ay diyaar u tahay in ay cafiso oo ay soo dhaweyso sida uu sheegay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay balan qaadayaan nolosha dhalinyarada Al-Shabaab ku jirta hadii ay ku soo biiraan dowladda.

Al-Shabaab ayaa dagaal kula jira ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dalalka ay Ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab ay hada ku sugan yihiin deegaano  ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud oo uu ka taliyo maamulka Galmudug.