Madaxweynaha Maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas ayaa wali ku adkeysanaya in doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya lagu saleeyo hab deegaan oo laga gudbaa qaabka qabaliga ah.
C/welli Gaas ayaa sheegay in faa’idooyin badan ay ku jirto in doorashada sanadkaan laga dhigo mid ku saleysan deegaanka, waxaana uu tusaale usoo qaatay in dadka deegaanka ay la xisaabtami karaan cidda mataleysa.
Wali wuxuu ku adkeysanayaa fikirka uu ka qabo doorashada sanadkaan, maadaama maamulkiisa ay doonayaan in doorashada aysan noqon mid lagu saleeyo nidaamka 4.5.
Dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ayaa isku fahmay doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya nooca ay noqoneyso, laakiin madaxweyne Gaas ayaa wali diidan qodobada kasoo baxay shirka arimaha doorashada looga hadlay ee Muqdisho ka dhacay.


