12-kii bishii Janaayo ee sanadkaan 2016 magaalada Jowhar waxaa kafurmay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana furay madaxweyne Xasan Sheikh, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, madaxweynaha Galmudug, madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo xubno kale oo dowlada ka tirsan.
Waxaa xiligaasi dad badan oo falanqeeya arimaha siyaasada Soomaaliya ay aamisansanaayeen in dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu noqon doono midka ugu fudud oo dowlada Soomaaliya ay ku guuleysato marka loo eego qeyraadka labada gobol iyo isdhexgalka bulshada degta labadaasi gobol, balse ma aysan naqan.
Qorshe wasaarada arimaha gudaha ay dajisay dhamaadkii sanadkii 2015 ayaa dhigayay in muddo seddex bilood ah lagu dhiso maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo madaxweynaha ka imaan lahaa maamulkaasi la filayay inuu ka qeyb galo shirkii ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, laakiin gudoomiyayaasha labada gobol ayaa shirkaasi ka qeyb galay.
Arimo badan ayaa loo sababeynayaa waxyaabaha keenay dib u dhaca intaasi la eg, waxaana ugu horeeya in beelaha dega labada gobol gaar ahaan seddex boolood aysan ku qanacsaneyn qeybinta ergooyinka shirka ka qeyb galaysa, iyadoo beel walbaa ay dooneyso iney ergooyin badan hesho.
Agaasimaha warbaahinta Shabeelaha Dhexe C/kariin Cumar Macalin ayaa sababeeyay waxyaabaha keenay in beelaha qaar ku qanci waayeen go’aanka wasarada arimaha gudaha.
“Xukuumada Soomaaliya waxay ku dhawaaqday in ergooyin gaaraya 67 xubnood, loo qeybiyo beelaha labada gobol, laakiin beelaha ayaa saluugay sida wasaarada ay ugu qeybisay ergooyinka”ayuu yiri C/kariin Cumar.
Wasiirka arimaha gudaha Xukuukada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Odowaa iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay tagay magaalada Beledweyne, waxaana uu qiray in beelaha qaar ay saluug qabaan, balse ay doonayaan iney qanciyaan beelaha wax tabanaya.
“Cabashadooda iyo sida ay la tahay iyo sidey wax u rabaan,waxaan aaminsahay in dadka reer Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyagana ay aamisan yihiin sameynta maamulkaas, laakiin ay jiri karaan sida loo sameynayo maamulka,inaan ka dhageyso oo aan u dhawaano, oo aan isla meel dhigno sida ugu wanagsan ee maamulka loo sameyn karo”ayuu yiri wasiirka.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Idaacada Risaala kaga jawaabay su’aal ku aadan xalka kaliya ee lagu sii wadi karo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wuxuuna soo jeediyay in dowlada Soomaaliya ay u badax banaaneeyso dhismaha maamulkaasi dadka kasoo jeeda labada gobol.
Ugu dambeyn aragti taa ka duwan waxaa qaba C/fataax Macalin maxamuud oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda labada gobol ee maamulka loo sameynayo.
Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne waxaa haatan kusugan xubno ka socdo dowlada Soomaaliya uu kamid yahay wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, waxaana laga sugayaa go’aanka ay ku qancin doonaan odayaasha dhaqanka labada gobol si dib loogu bilaabo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo waqti badan qaatay.
W/D Maxamed Ciise Maxamuud


