DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo dagaal ka dhacay gobolka Bay

Xoghaya nabad galiyada degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay Cusmaan Kaarbiin ayaa ka warbixiyay dagaalkii shalay ka dhacay deegaan hoosyimaada degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay.

Dagaalkaasi oo u dhaxeeyay ururka Al-shabaab iyo ciidamada Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa AMISOM.

Waxaana dagaalka labada dhinac udhaxeeyay uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Deegaanka Buur-eyla in muddo ah waxaa xukumaayay ururka Al-shabaab.

Maalinimadii shalay aheyda waxaa halkaasi la wareegay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa ururka Al-shabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay maalmihii u dambeeyay ay wadeen dadaalo lagu sugayo amniga guud ee deegaanadiisa.