Guddigii loo xilsaaray abaaraha ka jira dalka ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen dowladda Soomaaliya.
Guddigan ayaa waxa ay ka hadleen sidii ay u wajihi lahaayeen abaaraha ka jira qeybo badan oo ka mid gobolada dalka Soomaaliya.
Wasiirka maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay markii ugu horeysay ay Hal Million oo dollarka Mareykanka ay ugu deeqeen dadka ay abaaraha ku saameeyeen qeybo badan oo ka mid ah dhulka Soomaaliya.
Qeybo badan oo ka mid ah dhulka Soomaaliya ayaa waxaa laga soo sheegayaa abaaro baahsan, waxaana ay saameen ku yeesheen dadka iyo duunyada ku nool halkaasi.



