Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Beledweyne

Waxaa goor dhow magaalada Beledweyne  ku soo dhamaaday kulan maanta dhaxmaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka arimaha gudaha, qaar kamid ah waxgaradka gobolka Hiiraan iyo odoyaal dhaqameyd.

kulanka markii uu soo gaba gaboobay waxa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf  Axmed Hagar iyo Wasiirka arimaha  gudaha C/raxmaan Maxamed Odowaa waxaa ayna sheegeen in qaar kamid ah Ugaasyada gobolka lagu qanciyey ka qeyb galka shirka maamulka loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe

Gudoomiayaha maamulka gobolka Yuusuf Axmed Hagar ayaa u mahadceliyey qaar kamid ah waxgaradka, isagoona sheegey in arinta maanta ay tahay mid lagu farxo.

Ugu dambeyntii qaar kamid ah Odayaasha reer Hiraan ayaa lagu qanciyay shirka Jowhar waxaana dhankooda ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ka codsaday in shirka Jowhar looga danbeeyo duubabka dhaqanka labada gobolka ee Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe arintaasina ay ogolaatay dowladda Soomaaliya.