Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta Ceymiska ee magaalada Kismaayo, waxa ay cod aqlabiyad leh ugu codeeyeen in madaxweyne Axmed Madoobe muddo loogu kordhiyo magacaabiista golaha xukuumadda Jubbland.
Kulankii maanta waxaa soo xaadiray 53-xildhibaan, waxaana 46 ay u codeeyeen in madaxweynaha uu muddo kale loogu daro xilliga uu ku soo magacaabayo golaha wasiiradiisa.
Waxaa diiday lix xildhibaan halka hal mudane uu ka aamusay, siddaas waxaa saxaafadda u sheegay guddoomiyaha baalamaanka maamulka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.
Waa markii seddaxaad oo baarlamaanka Jubbaland ay muddo korarsi u sameeyaan madaxweynaha maamulka Jubbaland si u soo dhiso golaha wasiiradda Jubbaland.
Hadal heynta soo magacaabista golaha wasiiradda Jubbaland ayaa si weyn looga hadal hayaa guud ahaan magaalada Kismaayo.


