DHAGEYSO: Dowladda Soomaaliya ”12 Shabaab ah ayaan dilnay”

Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in gobolkaasi ay ku dileen 12 sarkaal oo ka tirsan ururka Al-shabaab kuwaasi oo la sheegay in ay hogaaminayeen dagaal shalay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Korneyl Axmed Maxamed Tareedisho oo ah taliyaha ciidanka aagga Ceel-buur ayaa oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in 12 askari oo Shabaab ah ay ku dileen dagaalka, isagoo sidoo kalena tilmaamay in dhankooda dagaalka ay uga dhaawacmeen 4 askari.

Majirto ilo ka madax banaan saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo xaqiijinaya sheegashada in 12 askari oo Shabaab ah ay ku dileen dagaalka ka dhacay gobolka Galgaduud.

Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo ururka Al-shabaab ayaa waxa ay ku dagaalamayeen deegaano hoostaga degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud.