Madaxweynaha ”Xildhibaanada waa in ay laba jibaaraan shaqadooda”

Kalfadhiga 8 aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho ugu furey madaxweynaha Soomaaliya oo dastuuriyan u leh in uu furo kalfadhi kasta oo  mudanayaasha golaha shacabka u furmaya.

Kulanka aan caadiga aheyd ee lagu furayay kalfadhiga 8 aad ee baarlamaanka  ayaa waxaa khudbad qiimo weyn leh ka jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan isagoo ka hadlay arimo muhiim ah oo xaaladda dalka quseeya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in baarlamaanka mudadii la soo dhaafay uu ku talaabsaday wax qabad muuqda inkastoo uu sheegay in wax badan ay u harsan yihiin isla markaana kalfadhigan u dambeeya ay isku dayi doonaan in ay dhameystiraan howlaha hada horyaal golaha shacabka.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sidoo kale sheegay in kalfadhigan 8 aad uu yahay kan ugu adag maadaama uu yahay kan lagu go’aaminayo mustaqbalka wadanka iyo meesha uu dalka u dhaqaaqayo.

Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbadiisa dastuuriga aheyd ka jeediyay xarunta golaha shacabka ayaa ugu horeyn mahadcelin u jeediyay guddoonka iyo dhamaan mudanayaasha golaha shacabka sida ay howshooda ugu dhabar adeegaan xilli dalka uu ku jirey duruufo adag.

Madaxxweynaha ayaa sidoo kale baarlamaanka ugu hambalyay furitaanka kalfadhiga 8 aad oo ah kan u dambeeya baarlamaanka 9 aad ee Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay horumarka dalka uu gaaray ayaa tusaale ahaan u soo qaatay in muddo ku dhow 30 sano kadib dowladda Soomaaliya ay u suuragashay in ay xiriir wada shaqeyneed la yeelato hey’adda lacagta aduunka ee IMF.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya waxyaabaha laga rabay in ay qabato ay ahaayeen labo qodob oo kala ah dib u eegista dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah sanadkan 2016, hase yeeshee qodobadaasi sidii loogu talagalay aysan u fulin isla markaana wax badab laga qabtay.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha dalka ayaa sheegay in arinta dib u eegista dastuurka gacanta lagu hayo isla markaana cutubyo badan oo dastuurka kamid ah dib u eegis lagu samaayay, waxaana uu tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya iyo baarlamaanka oo wadajir ah horey u sheegeen in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah duruufaha dalka ku jiro awgeed.

Madaxweynaha ayaa mudanayaasha baarlamaanka ka codsaday in mudada kooban ee u harsan ay shaqadooda labo gibaaraan isla markaana dul qaad badan muujiyaan.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka wadanka iyo meesha uu u socodo, isagoo sheegay in howlaha hadda la wado ay yihiin kuwo jiho quman u socda.