Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Taliyaha qeybta 60 aad ee ciidanka xooga dalka Soomaliyeed oo la hadlay idaacadda Risaala ee magaalada muqdisho ayaa sheegay in dileen dagaal yahano ka tirsan ururka Al-shabaab dagaal culus oo ka dhacay gobolka Baay.
Ismaaciil Khaliif Shire oo ah taliyaha qeybta lixdanaad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dileen ku dhawaad 20 dagaal yahan oo ka tirsan Al-Shabaab.
Sacadii la soo dhaafay ayaa dagaal culus waxa uu dhaxmaray ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo Xarakada Al-shabaab.