Hay’addo shir uga Furmay Switzerland

Kudhawaad 23 NGO oo ka mid ah kuwa gargaarka ayaa shir ugu furmay magaalada Geneva ee dalka  Switzerland ,waxaana inta badan dhiirada lagu saari doonaa  macaluusha baahsan ee ka jirta Soomaaliya.

Shirka  waxaa soo qaban-qaabiyay xafiiska QM ee isku-dubaridka arrimaha bini’aadanimad waxaana diirada lagu saari doono   cimilada El Nino iyo macaluusha ka jirta Geeska Afrika.

NGO-yadan waxay sheegeen in loo baahan yahay gar-gaar deg-deg ah si looga baaqsado masiibo weyn oo la mid ah macluushii dhacdy sannaddadii 2010-2012,  taasoo sababtay dhimashad in kabadan rubuc malyuun Soomaali ah, oo ay ku jireen 133 kun oo caruur ahaa oo dad’doou ka hooseyso 5 sano.

NGO-yadan ayaa sheegay in dhammaan dhinacyada howshan ku lug leh ay tahay inay midoobaan oo Somalia caawiyaan wakhtigan ba’an iyo baahida deg-dega ah ee jirta, si looga gaashaanto, masiibo weyn oo dhacda bilaha soo socda. Saameynta abaarta ayaa la yareyn karaa haddii la rabo oo ay dhinacyadu awoodan inay dadaalkooda isugu geeyaan hubinta in wax walba oo bini’aadam awooda la sameeyo si looga baaqsado mushkiladdan.