DHAGEYSO: Dowladda oo ka feejigan weeraro Al-shabaab ay ka geystaan Baardheere

Baardheere-RisaalaFM- Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin weeraro Al-shabaab ay ka geystaan degmada Baardheere.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ee degmada Baardheere Cusmaan Sheekh Cabdi ayaa sheegay in ay udiyaar garoobeen weerarada Al-shabaab ay soo qaadaan marka la gaaro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka hortagi doonaan weerar walbo oo Al-shabaab ay la damacsan yihiin ay ka geystaan degmada Baardheere.

Al Shabaab ayaa inta badan Bisha Ramadaan waxa ay kordhiyaan weerarada ay  ku qaadayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.