DHAGEYSO: Talyaaniga oo soo badbaadiyay Tahriibiyaal Dooni ay la degtay

Talyaaniga-RisaalaFM- Ciidamada Talyaaniga ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen intii badneyd tahriibayaashii saarnaa doonida shalay ku degtay bada u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya.

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay doonidan gadoontay oo la sheegay inay saarnaayeen in ka badan 560 qof.

Doonida ayaa la sheegay in ay gadoontay kadib markii ay usoo dhawaayeen ciidamada bada ee Talyaaniga.

Taliska ciidanka Bada ee Talyaaniga ayaa sheegay in sidan oo kale maalintii Salaasadii lasoo dhaafay ay bada kasoo badbaadiyeen dad gaaraya 3000 qof oo saarnaa 23 doonyood oo bada ku dhex dagay.

Xilliga uu soo dhawaado xagaaga oo ay badu degto ayey kooxda wax tahriibaya bilaabaan hawlahooda ay dadka uga soo qaadayaan xeebaha dalka Liibiya. Balse inta badan doonayaha dadka lasoo saaro ayaa ah kuwo duugoobay oo intooda badan bada ku dhex dega.