Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay deeq lacageed oo gaareysa ilaa iyo 48 Million.
Deeqdan lacageed ayaa noqoneysa deeqdii ugu horeysay dowladda Japan ay ku wareejiso dowladda Soomaaliya.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Xalane ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan golaha wasiirada dowladda federaalka Soomaaliya, Safiirka u fadhiya dowladda Japan ee Soomaaliya iyo xubno kale.
Waxaana halkaasi lagu kala saxiixday heshiis ku aadan in dowladda Japan hada Soomaaliya ay ka fulineyso howlo mashaariic oo dalka lagu hormarinayo.
Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga xukuumada federaalka Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo hadalo ka jeediyay kulankii maanta in deeqdan lacageed ay noqoneyso deeqdii ugu horeysay dowladda Soomaaliya ay ka hesho dowladda Japan.
Heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda Japan iyo dowladda Soomaaliya ayaa ku qotoma in howlo mashaariic hada dowladda Japan ay ka fulin doonto gobolka Gedo.


