DHAGEYSO: Madaxweyne Guuleed”Shabaab waan ka saareynaa deegaanada ay Galmudug ka joogaan”

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed oo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxa uu ka hadlay dagaalka maamulkiisa uu kula jiro ururka Al-shabaab.

Waxaana uu sheegay in ciidamada Galmudug ay hormar ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan ururka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in Galmudug ay dhowaan qorsheyneyso in Al-shabaab ay ka saarto Al-shabaab magaalooyin muhiim ah kuwaas oo kala ah Xaradheere, Ceeldheer iyo Galhareeri.

Maamulka Galmudug waxa uu dhowaan qorsheynayaa in uu ku shaqeeyo caasimadiisa oo ah magaalada Dhuusa Mareeb sida uu sheegay madaxweyne Guuldeed, isagoona fariin u diray jaaliyadiisa Soomaaliyeed eek u nool Ingiriiska.

Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda iyo waliba ciidamada AMISOM ayaa haatan waxa ay maamulaan qaar ka mid ah deegaano ka tirsan Galmudug.