DHAGEYSO: Maamulka Garbahaarey”Al-shabaab ayaa ka dambeeyay qaraxa”

Waxaa xalay fiidkii uu qarax xoogan ka dhacay maqaaxi ay dadka ku caweeyaan taas oo ay ku sugnaayeen dad halkaasi ku qaxweynayay iyo askar dowladda ka tirsan.

Afhayeenka maamulka gobolka Gedo Nuur Sayax Xareed oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in hada isgaarsiinta ay hawada ka maqan tahay ilaa iyo hadana aan la ogeyn qasaaraha uu geystay qaraxaasi.

Waxaana dhanka kale uu sheegay gudoomiyaha in qaraxa ay ka dambeeyeen ururka Al-shabaab.