DHAGEYSO: Dowladda Cumaan oo Muqdisho ku qeybisay Deeq Raashiin ah

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Cumaan ayaa Maanta degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir waxa ay gaarsiisay Deeq Raashiin ah.

Degmooyinka Deeqda Raashiinka la gaarsiiyay ayaa waxaa ka mid ah degmada Waaberi, Xamar Jajab, Xamar weyne, Hodan iyo HowlWadaag.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Maamulka gobolka Banaadir Ismaaciil Macalin Cabdi Guure ayaa si rasmi ah u daah furay mashruucaan Deeqda Raashiinka ah loogu qeybinayo shacabka ku nool degmoyinka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay inta ay ka kooban tahay deeqda raashiinka iyo sida ay dowladda Cumaan ugu tala gashay in loo qeybiyo.

Sidoo kale waxaa Warbaahinta la hadlay Agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya C/llaahi Maxamed Xasan waxa uuna dowlada Cumaan ugu mahad celiyay kaalmada joogtada ah oo bil walbo oo Ramadaan ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Eng Axmed Cismaan Dhoore iyo Gudoomiyaha degmada HowlWadaag ayaa si wadajir ah kaga mahad celiyay Deeqda maanta la soo gaarsiiyay islamarkaana loo qeybiyay shacabka labada degmo.

Mashruucaan ayaa waxaa loogu tala galay in Raashiin loogu qeybiyo shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.