Sh/Dhexe-RisaalaFM- Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ee ka howl gala magaalada Jowhar ayaa maanta gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu ka dambeeyay dilka Taliyihii Hey’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka ee gobolka Shabeelaha Dhexe
Ninka ku eedeysan dilka Taliyaha ayaa magaciisa lagu sheegay Yuusuf Madoobe , waxaana maanta lagu soo bandhigay qabuurihii lagu aasayay Marxuun C/wali Ibraahim Maxamed, waxaana halkaasi ku sugnaa Madaxda maamulka gobolka Sh/Dhexe iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil.
Ninka la soo qabtay ayaa wajigiisa ka muuqatay dareen cabsi leh kadib markii lasoo hor istaajiyay meydka marxuumkii la dilay, waxaana markii dambe ninkaasi loo kaxeeyay xabsi ku yaala magaalada Jowhar halkaas oo su’aalo lagu weydiinayo.
Waxaana maanta magaalada Jowhar gaaray Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana ujeedka halkaas uu ugaaray lagu sheegay in uu Maxkamadeynayo Ninka ku eedeysan in uu ka dambeeyay dilka Taliyihii Nabad Sugidda gobolka Shabeelaha Dhexe.



