DHAGEYSO: C/samad Galan “Gaas heshiis ayuu la galay Shabaab”

Bari-RisaalaFM- Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari C/samad maxamed Galan ayaa Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas Waxa uu ku eedeeyay in ururka Al-shabaab uu heshiis la galay.

C/samad maxamed Galan oo ku sugan deegaan duleedka ka ah degmada Carmo oo ka tirsan gobolka Bari ayaa isaga oo wata ciidan islamarkaan udiyaarsan dagaal ka dhan ah maamulka Puntland waxa uu sheegay Madaxweyne Gaas in uu dayacay guud ahaan amaanka deegaanada Puntland.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha maamulka Puntland uu heshiis la galay ururka Al-shabaab balse heshiiskaas uu fashilmay kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaano ka tirsan Puntland.

Shalay ayay aheyd markii C/samad maxamed Galan Gudoomiyaha gobolka Bari uu ku soo dhawaaday magaalada Boosaaso.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa la sheegay in xalay ay kulan ku yeesheen xarunta magaalada Garowe, waxaana Madaxweyne Gaas uu halkaasi kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka Puntland isagoo kala hadlay amaanka guud ee deegaanada Puntland.