Taliska booliska gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay labo qarax oo waaberigii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay agagaarka 21 October ee degmada Waaberi waxaana loo adeegsaday mooto Bajaaj, sida uu sheegay taliyaha ciidamada booliska qeybta gobolka Banaadir Cali Xersi Bare (Cali Gaab).
Cali Gaab, wuxuu sheegay in ciidamada ay qabteen ruuxii Bajaaj-ka waday isaga oo dhaawac ah, balse ay baxsadeen labo ruux oo la socotay.
Dhinaca kale qaraxa kale ayaa ka dhacay maqaayad kasoo horjeeda xarunta gaadiidka booliska Soomaaliyeed, wuxuuna xaqiijiyay iney ku dhinteen seddex kamid ah saraakiisha ciidamada booliska oo halkaasi tababar uga socday.
Sidoo kale wuxuu sheegay in gacanta ay ku dhigeen ciidamada booliska ruux waday gaariga lagu qarxiyay afaafka hore ee xero gaadiid, isaga oo qaba dhaawac daran.


