Diyaarado dagaal oo aan la ogeyn wadanka laga leeyahay ayaa weerar ka geystay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose oo Alshabaab ay maamulaan.
Ururka Alshabaab ayaa sheegay iney fashiliyeen howlgal diyaarado dagaal ay ka fuliyeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo dhacay xalay saqdii dhexe.
War qoraal ah oo lagu baahiyay warbaahinta Alshabaab ayaa lagu sheegay in ciidamo ka tirsan Alshabaab ay ka hortageen qorshe ay wateen ciidamo ajaaniib ah oo watay diyaaradaha dagaalka.
Labo diyaaradood oo helicopter ah ayaa la sheegay iney howlgalka ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan degmada Awdheegle.
Afhayeen u hadlay Al-shabaab oo lagu magacaabo Abuu Muscab ayaa xaqiijiyay in ajaaniibta ay doonayeen iney howlgal ka fuliyaan degmada Awdheegle balse ay ka hortageen.
Abuu Muscab ayaa tilmaamay in dadka ajaaniibta ah ay diyaaradaha kaga dageen meel banaanka ka ah degmada Awdheegle, kadibna ay ku dhawaadeen saldhiga degmada iyaga oo doonayay iney howlgal gaar ah ka fuliyaan Awdheegle.
Waxaana kadib uu sheegay in dagaal toos ah uu ka dhacay agagaarka saldhiga degmada Awdheegle.
Lama oga wadanka ay kasoo jeedaan ciidamada ajaaniibta ah ee weerarka ka geystay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.


