DHAGEYSO: Dhaawacyadda 40 qof oo laga qaaday Muqdisho

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho laga qaaday 40 qof oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Dadkaan ayaa waxaa loo qaaday dalka Turkiga , waxaana qaaday diyaarad u soo diray Madaxweynaha Turkiga ,islamarkaana ay la socdeen dhaqaatiir iyo Wasiirka Caafimaadka Turkiga.

Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaraxii Soobe ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si wadi doonto caawinta dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxii Soobe.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in la qaadi doono dad kale.

40 Qof ee loo qaaday dalka Turkiga ayaa qof kaste oo ka mid ah waxaa la socday qof oo ehelkiisa ah.

Dowladda Turkiga ayaa ah dowladii ugu horeysay oo usoo gurmata dadka dhibaateysan.