Gaalkacyo-RisaalaFM- Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay Dowladda Federaalka in ay ahmiyad gaar ah siineyso nabadeynta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Waxa uu sheegay Wasiir Juxa in labada maamul ee Puntland iyo Galmudug in ay gaareen heshiisyo dhowr ah, Dowladdana mar walba ay ka go’an tahay dhaqangelinta heshiisyada.
Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka wadajir iyo nabadgelyo kama dambeys ah in laga gaarayo colaada Gaalakcyo, si xoriyad iyo nolol wanaagsan ay u helaan shacabka labada dhinac.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug dhowaanahan waxaa ka taagnaa colaad u dhaxeysay labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, Dowladda Federaalka ayaana wada dadaalo lagu dhameynayo colaada.



