DHAGEYSO: Sugidda Amniga Muqdisho oo la kordhinayo

Muqdisho-RisaalaFM- Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isbedel ku sameynayo Amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada MuqdIsho, kadib markii ay kordheen weerarada Shabaab maalmahan dambe ay ka geysanayaan Muqdisho.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaalle Islow ayaa Hay’adaha amniga faray in ay kordhiyaan Howlgalada lagu xasilinayo amniga Muqdisho, wuxuu soo hadal qaaday weerarkii shalay ee saldhiga booliska degmada Waaberi, wuxuuna sheegay in ay qadar alle ku dhacday aysan dadaal u yareyn Hay’adaha amniga.

Maxamed Abuukar Ducaalle Islow Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sheegay shacabka in looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka qaraxyada ah ee ay maleegayaan Shabaabka.

Shabaab ayaa Saddex maalmood gudahooda waxa ay weeraro Qaraxyo loo adeegsaday ka geysteen Muqdisho, iyada oo Ciidamada Dowladda ay adkeynayaan amniga Muqdisho.