DHAGEYSO: Maxkamadda C.Q.S oo digniin u dirtay ilaalada masuuliyiinta DF

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa digniin u jeediyay ilaalada saaran Gaadiidka Dowladda, taas oo ku aadan in ay dhimrin u sameeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in lala xisaabtamayo ilaalada masuuliyiinta Dowladda Federaalka, hadii ay tacadiyo u geystaan shacabka Soomaaliyeed ee isticaamala wadooyinka.

Sidoo kale Gaashaanle Shuute ayaa sheagay dhibaatada hada taagan in ay tahay tacadiyo ilaalada masuuliyiinta Dowladda ay u geystaan mararka qaar shacabka Soomaaliyeed ee wadooyinka isticmaala.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa dhowaanahan waxaa la horgeynayay dad loo heysto in ay dilal ka geysteen magaalada Muqdisho ee caasiamadda Soomaaliya.