DHAGEYSO: DF iyo WHO oo ka wada hadlay arrimaha Caafimaadka

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Soomaaliya ayaa Hay’ada caafimaadka Aduunka waxa ay ka dalabatay in ay kala shaqeeyaan sidii kor loogu qaadi lahaa arrimaha Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur oo kulan la yeelatay Madaxa ugu sareeya Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO Tedros Adonom ayaa waxa ay kala hadashay arrimaha Caafimaadka Soomaaliya, waxayna sheegtay in ay isla meel dhigeen sidii wax looga qaban caafimaad darada ka jirta Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay Fowsiyo oo la hadleysay VOA Tedros Adonom in uu yahay nin yaqaana baahida Gobolka, il gaar ahna uu u lahaan doona wadamada dhibaatada badan ay ka heysato arrimaha Caafimaadka.

Soomaalia ayaa markii ugu horeysay muddo 30 sano ah codeysay Doorashadii madaxa guud Hay’ada Caafmaadka Aduunka ee WHO ee lagu doortey Dr. Tedros Adhanom Asbuucii hore.

Soomaaliya ayaan codeynin muddo dheer, kadib markii dhaqaalo lagu yeeshay ay ka hor istaagtey inay cod yeelato, laakinse Dowladda Soomaaliya oo bixisey dhaqaalahaasi qeyb ahaan ayaa suurtagalisey in Dowladda Soomaaliya ay cod yeelato.