DHAGEYSO:- Dagaal ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Baay iyo Khasaaro ka dhashay

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya dagaal u dhaxeeyay ciidamada Dowladda, Amisom iyo Al-Shabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay deegaano hoostagga Degmada Baydhabo.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, ka dib markii Al-Shabaab ay weerareen Difaacyada ciidamada Dowladda iyo Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Wardiile oo hoostagga Magaalada Baydhabo.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro fara badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in 10 qof ay ku geeriyootay dagaalkaasi ka dhacay deegaanka Wardiile.

Wardiile wuxuu u dhaw yahay Deegaanka Awdiinle oo qiyaastii Magaalada Baydhabo u jira ilaa 25-KM, waxaana xalay si aad ah looga maqlaayay dhawaqa rasaas xoogan oo dhinacyada ay isweydaarsanayeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-