Wararka inaga soo gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in dadkii ugu badnaa ay ka barakaceen degmadaasi.
Waxaana dadkan ay u barakaceen deegaanada iyo tuulooyinka ku dhow degmada Aadan-yabaal.
Gudoomiyaha degmada Aadan-yabaal Maxamuud Sheekh Xasan oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in dadkaasi barakacay ay ka cabanayaan dhac iyo boob loo geystay.
Dhanka kale gudoomiyaha degmada Aadan-yabaal Maxamuud Sheekh Xasan ayaa sheegay in ciidamo la socda AMISOM oo dowladda aan u diiwaan gashaneyn ay dhac iyo boob ugeystaan dadka.
Dhowaanahan degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka taagnaa xiisado colaadeed oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab, iyadoo Al-shabaab ay maanta dib ula wareegeen degmada Aadan-yabaal.


