DHAGEYSO: Dad loo soo qabqabtay dilal ka dhacay Gadoon

Faahfaahin dheeraad ayaa kasoo baxay dilal  ku salaysan aanooyin qabiil oo  ka dhacay deegaanka Gadoon oo ka tirsan gobalka Galgaduud ee  bartamaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha deegaanka Gadoon Cabdi Axmed Yuusuf  oo la hadlay idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen kooxihii  ka dambeyey dilal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Gadoon.

Cabdi Axmed Yuusuf  ayaa sidoo kale sheegay in nin  dad ku dilay  Gadoon  saakay lagu wado in lasoo taago maxkamad ku taala deegaanka Gadoon.

Deegaanka  Gadoon oo ku dhow caasimada gobolka Galgaduud Dhuusamareeb ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal ku saabsan aanooyin qabiil.