Xiisad u dhaxeysa Wasiir ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto Magaalada Baled-Xaawo ee gobolka Gedo sida ay xaqiijiyeen dadka ku dhaqan Magaaladaasi.
Xilidhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan oo ku sugan magaalada Baled-xaawo ayaa dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbland ku eedeeyey in aysan waxba ka qaban dhibaatooyinka lagu haya dadka sugan magalaadaas.
wararka ay intaa ku darayaan in Odayaasha dhaqanka ay wadaan waan waan lagu xalinayo xiisada u dhaxeysa Xildhibaan Cabdi-fitaax Nuur Mataan iyo Cabdi-rashiid Janan oo ah Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Maamulka Jubbaland.


