DHAGEYSO: Ciidamo Tababar loogu soo gaba gabeeyay Gedo

Gedo-RisaalaFM- Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa Tababar loogu soo gaba gabeeyay Ciidamo ka tirsan xoogga dalka kuwaasi dhameystay Tababar socday mudo ku siman 45 maalmood.

Xiritaanka Tababarka Ciidamadan ka tirsan xoogga dalka gaar ahaan ururka 49-aad guutada 10-aad qeybta 43-aad ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo Maamulka degmada Baardheere.

Gaashaanle Dhexe Cusmaan Cabdi Qorax ayaa sheegay in Ciidamadan loo dhameystirayo qalabka Ciidan ee ay u baahan yihiin, wixiii hada ka dambeeyana ay bilaabi doonaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen ururka Al-shabaab

Ciidamada Tababarka loo soo gaba gabeeyay ayaa saraakiisha hortooda waxa ay ku soo bandhigeen waxyaabihii ay ka barteen mudadii uu Tababarkan uu socday.