DHAGEYSO: Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed oo hub loo qeybiyay

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta waxaa loo qeybiyay hub iyo agab kale, waxaana ciidamadaas ay ku sugan yihiin degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Ciidamada hubka loo qeybiyay ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa ku dhowaad 400 boqol, iyadoo ciidamadaas uu tababar u socday mudo ku dhow 9 bilood.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaana goob joog ka ahaa, waxaana ciidamada ay kula dar daarmeen in ay difaacaan degmada Diinsoor.

Wariyaheena magaalada Beydhabo inooga soo warama Siid Cali Muuse ayaan arimahaasi ka wareysanay.