DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanka Janaale

Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka deegaankaasi ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM oo garab ka helaya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in arintan ay ka dambeysay kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ururka Al-shabaab dagaal kula galeen deegaan lagu magaacabo Garshiini.

Waxaana illa xalay halkaasi ka socday dhaq dhaqaaq ciidan oo labada dhinac ay wadaan.

Janaale waa magaalo yar oo ku taala dhanka Bari wabiga Shabeelle 18km waqooyi ka jirta caasimadda gobolka Shabeellaha Hoose ee Marka, iyadoo ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay in ay ka cabsi qabaan in dagaal uu halkaasi ka bilowdo.