DHAGEYSO: Galmudug oo fariin u dirtay dhalinyarada shabaab ku jirta

Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab ee qeybta ka ah dagaalka ay kula jiraan dowladda ugu baaqay in ay isaga soo baxaan Al-Shabaab islamarkaana ay ku so biiraan maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in ay cafis u fidinayaan dhalinyarada uruka Al-Shabaab ka soo baxda, isagoona sheegay xaalada Al-shabaab hada ay ku nool in ay tahay mid adag.

Wasiir Masagawaa ayaa sidoo tilmaamay in maamulka Galmudug uu guulo la taaban karo ka gaaray dagaaladii ay ururka Al-shabaab kula galeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Waxaana uu sheegay in ay soo dhaweyn doonaan ka tanaa sulida fikirka shabaab.

Maamulka galmudug ayaa horay u sheegay in ay fursad siin doonaan dadka ka tirsan shabaab hadii ay isku soo dhiibaan.