Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Maxamed Aadan Axmed (Buud) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrima la xiriira Gadoodkii ay todobaadkan Magaalada Muqdisho ku sameeyeen Ciidanka Millitariga.
Waxa uu sheegay Gadoodkaasi in ay sameyeen koox yar oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, taasina ay aheyd qalad ay sameeyeen Ciidamada, isagoo sidoo kale sheegay in ay ku raadjoogaan raggaasi Gadoodka sameeyay.
Maxamed Aadan Axmed (Buud) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale sheegay qaladkan in aysan geysan Ciidanka dhammaantood, basle ay sameeyeen koox yar oo la qalday.
Taliye Buud ayaa sidoo kale sheegay in ay sharciga horgeyn doonaan raggii ka dambeeyay falkaasi, wuxuuna Ciidanka ku bogaadiyay in aysan dhibaato u geysan shacabka ay masuulka ka yihiin, loogana baahan yahay In ay shacabka u damqadaan.
Axadii ina dhaaftay ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya ay Gadood ka sameeyeen wadada KM4, halkaasi oo ay dadka ku amrayeen in ay xiraan goobohooda ganacsi iyo in ay ka dhaqaaqaan wadooyinka, inkastoo markii dambe la xaliyay tabashadooda.



