Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid oo ka mid ah Siyaasiyiinta gobolada dhexe ayaa waxa uu ka hadlay dagaalka ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Dhuuso mareeb ee Xarunta gobolka galgaduud.
Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in mar kale lagu kor dagaalamo shacabka soomaaliyeed oo uu sheegay in ay horay dagaal ugu soo daaleen.
Waxa uu sheegay in dagaalkaasi ka dhacay magaalada Dhuuso mareeb uu salka ku hayo Siyaasada is diidan ee ka jira gobolada Dhexe.
Waxa uu tilmaamay in Siyaasadu ay ku wanaagsan tahay in la wada hadlo oo aan la is dagaalin.
Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Dhuuso mareeb in ay joojiyaan dagaalka oo ay u naxaan shacabkooda.
Xalay Saqdii dhexe ayay ahayd markii dagaal xoogan uu ka bilowday Xaafado ka tirsan magaalada Dhuuso mareeb ee arunta gobolka galgaduud
Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidamo uu hogaaminayo nin lagu magacaabo Liibaan madaxweyne iyo Ciidamo ka tirsan Maamulka Ahlu Sunna.


