Kulanka gaar ah ee Ra’isal wasaaraha iyo Baarlamaanka oo weli soconayo

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sahrmaake oo ay Wehliyaan Wasiiro Ka tirsan Xukuumadda   iyo  Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amniga dalka ayaa Maanta hortagay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya si ay su’aalo la xiriira amniga dalka loo weydiiyo,

Kulanka ayaa waxaa dibad joog ka ah oo aan ka qeyb galeen Saxaafada Soomaaliya ayaa waxaa shir gudoominaaya Gudoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaraya guud ahaan amniga dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho oo mudooyinkii dambey ay ka dhacaayeen qaraxyo iyo Weeraro ay masuuliyadeeda sheeganaayeen Al-Shabaab.

Ra’isal Wasaaraha iyo Saraakiisha kale ayaa waxaa la weydiinaya su’aalo amniga la xiriira iyo qorsha Xukuumada Soomaaliya ee dhanka amniga.

Kulanka ayaa weli soconayo waxaana lagu wadaa in laga soo gabagabeeyay ka dibna Saxaafada loogu warbixiyo natiijada Kulanka.

Wixii kulanka ka soo baxaa kala soco Radiorisaala.com