DHAGEYSO: Boliiska Burtinle oo ka waramay howlgalo laga sameeyay degmadaasi

iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay howlgal balaaran uu ka socday degmada Burtinle ayaa taliska ciidanka Booliska magaaladaas faahfaahin ka bixiyeen howlgaladaas iyo sidoo kale cidii lagu soo qabtay.

Taliyaha booliska degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in howlgaladaas lagu xaqiijinaayey amniga guud ee degmada Burtinle.

Taliyaha ciidanka Boliiska degmada Burtinle Saciid Cabdulaahi ayaa sheegay in ay si wadi doonaan howgalada lagu xaqiijinayo amniga degmada Burtinle.

ciidanka maamulka puntland oo gacanta ku haya degmada Burtinle ayaa marar badan waxay sameeyeen howlgalo lagu xaqiijinaayo amniga degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.