DHAGEYSO: Baarlamaanka oo Maanta Muqdisho ku kulmaya

Xilidhibaanaada baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha Shacabka ee Muqdisho.

Xilidhibaanada dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya qodobo muhiim oo ay ka mid yihiin xuquuqda siyaasiinta, codeynta mashruuca wax ka badelka dastuurka iyo qodobo kale.

si gaar waxaa maanta lagu wadaa in ay ka doodaan xuquuqda siyaasiinta iyo sidoo kale sharciga maxkamada sare ee dalka.

Xilidhibaan Maxamed Cumar Maxamuud habdowraha baarlamaanka Soomaaliya ayaa Risaala uga waramay qodobada ugu  muhiim ee maanta looga doodaayo kulanka baarlamaanka.