Faahfaahino dheeraad ayaa ka soo baxaya weerar xalay lagu qaaday gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan Hay’ada nabad sugida qaranka Soomaaliyeed.
Weerarka ayaa ka dhacay xaafada Suuqa Xoolaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir waxaana la sheegaya in uu sababay dhimasho iyo dhawaac.
Sida ay sheegayaan warar dheeraad ah oo kasoo baxaya weerarka ayaa sheegaya in gaari ay saarneyeen ciidanka NISA xabo uu ku furay gaari nooca loo yaqaano Gaaribta.
Hal askari oo ka tirsan ciidanka NISA ayaa geeriyooday seddex kalana way dhaawac meen sida ay Risaala u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka NISA.
Kooxihii weerarka geystay ayaa goobta iska baxsaday waxaana ciidanka dowladda Soomaaliya ay bilaabeen baaritaano lagu baadigoobaayo raggii ka dambeeyey weerarkaas.


