Dhuusamareeb-RisaalaFM Wararka ka imaanya magaalada Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayaan maamulka la magac baxay gobolada Dhexe ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulkaas uu xilka ka qaaday 14 xubnood ka tirsan maamulka magaalada Dhuusamaeeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Madaxda xilka la qaaday ayaa loo cuskaday in ay dambeeyeen isku dhacyo dhawaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Sheekh maxamed Shaakir oo ah madaxweynaha maamulka Ahluna ayaa la sheegay in uu xilka ka qaaday 14 xubnood oo muhiim u ahaa degmada Dhuusamareeb
Dadka xilka la qaaday ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyihii magaalada Dhuusamareeb iyo qaar ka mid ah ku xigeenadiisii.
Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Ahluna ayaa dhawaan la wareegay xarunta degmada iyo sidoo kale qeybo ka mid ah degmada Dhuusamareeb ka dib markii uu khilaaf soo gala dhex galay madaxda maamulka Ahluna iyo sidoo kale maamulka degmada Dhuusamareeb.


