Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Al-shabaab deegaanada Jubooyinka ay ka kaxeysteen caruur aad u da’yar kuwaas oo ay doonayaan in ay dagaal galiyaan sida uu sheegay.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in caruurtaasi Al-shabaab ay xoog ku kaxeysteen islamarkaana ay ka wateen deegaanada Jubooyinka.
Sidoo kale madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay nolosha ka dhaceen oo ay noqdeen kuwo marwalba unugul dhibaatada.
Hay’ada Qaramada Midoobay ayaa horey umamnuucday in la’askareeyo caruurta.


