Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.
Waxaana wafdigan socdaalka ay halkaasi u gaareen lagu sheegay in maamulka Puntland ay kala hadlaan sidii ay iskula meel dhigi la haayeen mashaariicda hormarineed ee ka socda Puntland iyo qaabkii loo amba qaadi lahaa.
Dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay bixinaysaa dhaqaalaha ku baxaya wajiga labaad ee Garoonka Boosaaso, iyadoo dhaqaalaha ay soo marinayaan Urur Gobolleedka IGAD.
Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa waxaa halkaasi uu kulamo uga socdaa Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo maamulka Puntland.


